Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maxaad ka taqaanaa laacibka ugu TAAJIRSAN kubbada cagta Adduunka…(Qiso aad kaaga YAABIN doonta)

$
0
0

www

(World) 07 Jan 2018. Markaad ka fikirto laacibka ugu TAAJIRSAN kubbada adduunka waxaa durba kugu soo dhacaya sida Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Neymar, balse sidaas maaha sheekadu oo xiddiga ugu hodansan waa 19-jir ka tirsan kooxda keydleyda ee Leicester City.

Bal la kulan Faiq Bolkiah, wiilka uu Adeerka u yahay Suldaanka Brunei (Hassanal Bolkiah) kaa oo qiimihiisa lagu qiyaasay adduun dhan 20 Bilyan oo Doolar, yay kaa hoos bixin sheekadu waa ka gudubtay Milyan oo Bilyan ayay joogtaa.

Xiddiga garabka kaga ciyaara Foxes ayaa waqti ka ciyaarayay carada Ingiriiska, isagoo waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay AFC Newbury.

e

2009-kii, Southampton ayaa Faiq Bolkiah ku soo dartay Akaadamiyadeeda inkastoo aysan heshiis u gacan galin, Arsenal ayaa iyana 2013 u soo bandhigtay Tijaabo.

Bolkiah ayaa 2013-dii Gunners kula tartamay Lion City Cup, xitaa Gool ayuu ka dhaliyay tartankan.

Kaddib markii xaaladiisa laga warhelay, Chelsea ayaa xiddiga garabka ka duula u bandhigtay heshiis labo sano ah oo uu isla markiiba qallinka ku duugay.

e1

Laakiin hal sano uun kaddib Bolkiah ayaa ka soo tagay Blues si uu ugu biiro Leicester heshiis saddex sano ah.

Inkastuu ku dhashay Los Angeles, ee cariga Mareykanka, Bolkiah ayaa doortay inuu u ciyaaro dalkiisa Brunei wuxuuna xulkiisa matalay sagaal kulan isagoona hal gool u dhaliyay.

Despite being born in Los Angeles, United States, Bolkiah opted to play for Brunei and has represented his country nine times, scoring once.

e2

Si Fikrad aan kaaga siiyo Hantida Bolkiah waxaad u baahan tahay inaad fiiriso aabihii Fejri.

Ninka la dhashay Suldaanka dalka Brunei ayaa la warinayaa in 15-sano gudahood uu ku qarash gareeyay adduun dhan 15- Bilyan oo bound markaa uu ahaa madaxa wakaalada Maal-galinta Brunei

Bolkiah aabihii Jefri ayaa sidoo kale 35 milyan bil gudaheed ku qarash gareeyay Baabuur, Saacado iyo Qalimaanta Dahabka ee cad cad.

Duqa dhalay wiilka garabka kaga ciyaara Leicester City ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu leeyahay 2,300 oo Baabuuro oo ay ka mid yihiin kuwa ugu qaalisan adduunka sida Bentleys, Ferraris iyo Rolls-Royces.

Laakiin tan ugu Cajiibsan ayaa ah, markii uu Jefri u dabaal degayay dhalashadiisa 50-jirka, Wuxuu u yeertay Fannaankii caanka ahaa ee geeriyooday Michael Jackson si uu u shido xafladiisa Dhalashada.

Kaaga sii daranee garoon dhan ayuu u dhisay si dhacdadaasi loogu qabto, wuxuuna boqorkii Pop-ka ee Michael Jackson u gacan galiyay 12.5-milyan.

e7

Laakiin waxaa laga yaabaa inaad ka walaacdo maxaa ku wata ciyaarista kubbada cagta wiil ay reerkiisu leeyihiin hantidaas oo idil.

Laakiin xiddiga Leicester City ayaa wareysi naadir ah uu bixiyay ku yiri:

“Waxaan ciyaarayay kubbada cagta tan iyo intaan wax xusuusan karo, laga soo bilaabo yaraanteedii waxaan had iyo jeer ku raaxeysan jiray inaan garoonka aado aana cagaheyga ku hayo kubbada.

“Waalidiinteeda markasta way i taageeri jireen iyagoo iga caawinaya inaan gaaro riyooyinkeyga inaan noqdo laacib kubbada cagta ah.

“Caruurnimadeydii si adag ayay ii tababareen nafsad ahaan iyo jir ahaanba, sidaa darteed waa inaan iraahdo waalidiinteeda ayaa ah kuwaan ku dayado.”.

SAWIRRO DHEERI AH:

e8

e99 e9 e6 e5 e4 e3

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles