(Madrid) 09 Jan 2018. Cristiano Ronaldo ayay dhibaato ka heystaa gool dhalinta La Liga halka Real Madrid ay boos liidato ku jirto, laakiin sidaas ay tahay xiddiga reer Portugal wuxuu ku kalsoon yahay in sheekadu ay dhanka kale isku rogi doonto.
CR7 ayaa fariin uu dhawaan soo dhigay Baraha Bulshada ugu xaqiijiyay reer Madrid in wax kasta ay dhag noqon doonaan.
Ronaldo oo ay soo martay baryo uu sahal ku tagi jiray shabaqa ayay xilli ciyaareedkan aad ugu adkaatay inoo booqdo goolka, kaliya afar gool ayuu dhaliyay 13 kulan uu ciyaaray La Liga.
Yeelkeede, wuxuu soo dhigay bartiisa Istagram fariin Fiican isagoo ku sugan goobtiisa Jir dhiska:
“Dhib malahan si kasta ay u dheeraato Duufaanta iyo Dabeylaha, hada iyo jeer Qoraxda markale ayay ka soo dhex iftaa Daruuraha.”.
Real Madrid oo iminka xafidaneysa La Liga iyo Champions League ayaa mareysa dhibaato aan la fahmi karin.
Kooxda Zidane ayaa adkaatay kaliya 9-kulan. 17-kulan ay horyaalka ciyaartay kal ciyaareedkan oo waxay 16-dhibcood ka hooseeyaan Barcelona, 7-dhibcood oo Atletico Madrid ah iyo 5-dhibcood ay ka dambeeyaan Valencia.
Gool FM.