Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Kante keena ama waa idin ka tagayaa.”. Mourinho oo u Booteeyay Man United

$
0
0

kkk

(Manchester) 09 Jan 2018. Jose Mourinho ayaa ku hanjabay inuu ka tagayo Manchester United una dhaqaaqayo PSG haddii loo keeni waayo xiddiga uu doonayo.

Macallinka reer Portugal ayaa lagu qancin karaa oo qura inuu kooxda sii joogo in loo keeno madaalaha Chelsea ee N’Golo Kante.

Mourinho ayaa inta badan kal ciyaareedka ku qaatay isagoo ka cabanaya in la xadiday lacagaha uu suuqa uga soo kaluumeysan lahaa.

Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa lacago ka badan tan United qarash gareeyay wuuna hayaa miro dhalkeeda oo wuxuu hogaanka kaga hayaa 15-dhibcood.

Yeelkeede, Jose ayaa aaminsan in haddii loo keeno Kante ay sheekada bar baro noqon doonto.

ka

Madaalaha reer France ayaa ku guuleystay Premier League labo jeer oo is xigta, mar uu la soo qaaday Leicester City iyo kol uu la qaaday Chelsea.

Sida uu sheegayo warsidaha reer Spain ee Don Balon in Red Devils ay diyaarineyso adduun dhan 159-milyan si ay Kante uga soo kaxeyso Stamford Bridge.

Michael Carrick ayaa qaba dhibaato wadnaha ah halka Fellaini lagu wado inuu kooxda ka tago maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga.

Kante ayaa hanti wayn u noqon doonaa Man United kuwaa oo eeganaya inay dib u habeen ku sameeyaan qadkooda dhexe.

Waase la arki doonaa haddii ay Chelsea aqbali doonto inay United ka iibiso madaalahooda xilli ay horey ugu hubeeyeen Matic oo iminka howl muuqata u haya.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles