(Spain) 10 Jan 2018. Real Madrid oo wax walaac ah qabin ayaa caawa Bernabeu ku marti qaadi doonta naadiga yar ee Numancia maadaama ay lugtii hore ee wareega 16 ka Cope del Rey uga soo adkaatay 3-0.
Wararka Labada dhinac:
Waxaa la filayaa in fursado la siiyo qaar ka mid ah xiddigaha Akaadamiyada Real Madrid, halka sidoo kale lagu wado inay ku soo bilowdaan kulanka Marcos Llorente, Dani Ceballos iyo Kiko Casilla.
Gareth Bale ayaa 60-daqiiqo ciyaaray lugtii hore iyo 80-daqiiqo uu ciyaaray kulankii axada ee La Liga, sidaa darteeed Zidane ayaa la arkaa inuu laacibka u nasiyo kulanka soo socda ee Villarreal.
Numancia ayay u badan tahay inay ku soo galaan shaxdii ay usbuucan ku ciyaareen, iyadoo kooxda martida ah uu ka ganaaxan yahay Pape Diamanka kaddib markii kaarka cas loo taagay lugtii hore.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Real Madrid vs Numancia (Lugta labaad ee wareega 16-ka Copa de Rey)
Goobta: Bernabeu
Goorta: 11:30 Habeenimo
Safafka Macquulka ah ee Real Madrid vs Numancia:
Real Madrid: Casilla, Carvajal, Nacho, Vallejo, Theo, Llorente, Ceballos, Bale, Vazquez, Asensio, Mayoral.
Numancia: Munir, Exteberria, Elgezabal, Gutierrez, Varcarce, Larrea, Sierra, Nacho, Nieto, Valcarce, Guillermo
Gool FM.