Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Bal daya suu u yaalo, Fool xumo badnaa.”.-Ribery oo ka Taariikheeyay Dhibka Wajiga ka gaaray

$
0
0

(Europe) 18 Jan 2018. Franck Ribery ayaa ka sheekeeyay Garaafada wajiga uga taala, sida ay u gaartay iyo dhibaatada uu ku qabo.

Xiddiga reer France ayaa ilaa iminka garaneyn hooyada iyo aabaha dhalay, maadaama isagoo yar looga tagay jaran jarada meel Kaniisad ah.

Isagoo labo sano jir ah ayuu ku dhacay shil aad u daran oo uu sababay baabuur wayn nuuca loo yaqaano Lorry, waxaana loola cararay Isbital iyadoona wajiga looga dhuftay 100 qodob.

Mar uu la hadlayay xiddigii hore ee qadka dhexe Leeds United Olivier Dacourt ee ka howl gala hilinka Canal+ Spor, ayuu Laacibka Bayern Munich yiri:

“Waxay isiisay Shaqsiyada iyo awood.

“Maxaa yeelay markaad caruurta tahay isla markaana ay garaafadan oo kale kugu taal, ma ahan wax sahlan.

“Sida ay dadku kuu arkayaan iyo waxa ay kaa dhahayaan, reerkeyga way la dhibtoodeen arrinkan.

“Dadku waxay oranayaan: ‘Fiiri waxa Wajiga uga yaala, fiiri Madaxiisa, Maxay tahay Garaafadan? Aad ayay u fool xun tahay.

“Meel kasta oo aan aado, dadku way i fiirinayaan.

“Ma ahan inay ii fiirinayaan inaan qof fiican ahaa ama in Magaceygu yahay Franck ama inaan ahaa laacib fiican oo kubbada cagta ah, balse waxay ii fiirinayaan Garaafada wajiga iiga taal.

“Dadka adiga wax kaa sheegaya waa waalidiinta Caruur kale, tanina waa Naxariis darro.

Laakiin sidaas ay tahay Ribery marna jixin jix ma galin oo wuxuu yiri.

“Marna gooni iskama dhigin oo ma ooyin iyadoo ay jirto inaan dhibtoonayo.”.

Sikastaba, Ribery ayaa ka mid noqday xiddigihii ugu fiicnaa Jiilkiisa isagoona wareysi uu bixiyay ku sheegay in abaal marintii Ballon d’Or ee 2013 uu isaga u xaq lahaa.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles