(London) 13 Abriil 2016. Kabtanka Chelsea John Terry ayaa malaha soo ciyaaraya Champions League ugu dambeeyay waayihiisa ciyaareed maadaama Chelsea ay gacanta PSG uga soo hartay tartankan isla markaana lagu wado inuu u hayaamo horyaalka Mareykanka ama midka Shiinaha.
Laakiin Terry ayaa xalay daawanayay Man City oo sameynaysa howshii ay kari waysay kooxdiisa kaddib markii ay cagta marisay PSG waana markii ugu horreysay ebid taariikhda ay u soo baxaan wareega afar dhammaadka koobka dhaga waynaha.
Daafaca reer England aayaa soo dhigay baraha bulshada sawir muujinaya isagoo daawanaya ciyaartii xalay ay Man City ka adkaatay PSG.
Gool FM.