(Madrid) 20 Jan 2017. Real Madrid ayaa si isdaba joog ah lala xiriirinayay inay us oo dhaqaaqdo xiddiga ugu qaalinsan kubbada cagta adduunka ee naadiga PSG Neymar.
Tababare Zinedine Zidane ayaana wax ku darsaday sheekada wiilka reer Brazil isagoona sheegay inuu yahay laacib ay ku raaxeysan karaan taageerayaasha Kubbada cagta.
Inkastoo macallinka reer France uu sheegay inuusan ka helin inuu ka hadlo ciyaartoyda kooxaha kale ayuu misane si dhaqso leh uga dhiibtay fikirkiisa ku aadan laacibkii hore ee Barcelona.
“Kama hadlo ciyaartoyda aan ila joogin aniga,” Zidane ayaa sidaa yiri.
“Neymar waxaa jecel caalamka kubbada cagta oo idil, maxaa yeelay waa laacib wayn.”.
Gool FM.