Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ma ogtahay in Sanchez uu ku soo koray FAQIIRTINIMO ba’an….(Ka Bogo Taariikhda Saxiixa cusub ee Manchester United)

$
0
0

(England) 24 Jan 2018. Alexis Sanchez iminka waa laacibka ugu mushaarka badan Manchester United iyo guud ahaan Taariikhda Premier League, balse maxaad kala socotaa Nolosha Xakaarka ah uu ku soo koray wiilka reer Chile.

Alexis Alejandro Sánchez Sánchez, wuxuu dhashay 19 December 1988 (29-jir), wuxuu ku dhashay dalka Chile gaar ahaan Tocopilla oo ah meel ay ku noolyihiin dadka Saboolka ah.

Waxaa iska dhalay Mr Gullermo Soto oo ahaa nin Baagamuundo ah oo aan wax shaqo ah heysan iyo Mrs Martina Sanchez oo ah haweeney daryeesha beeraha.

Aabihii ayaa ka tagay isagoo dhalan bilooyin yar maadaama uusan awoodin inuu qaado masuuliyada reerkiisa jeebkiisa oo marnaa aawadeed, balse waxaa dhexda u xiratay hooyadii oo ka soo shaqeysay shaqooyin badan oo adag sida inay dhaqdo Kulluunka ama inay iibiso Ubaxyada si ay ugu hesho waxay caruurteeda cunaan.

Sanchez ayaa guri baaba’san oo ay alwaaxyo isku hayaan kula noolaa Walaalihiis Tamara, iyo Marjorie iyo walaalkii Humberto.

Humberto oo ka sheekeynaya nolosha adag ee Sanchez ayaa yiri:

“Alexis wax uu heystay ma jirin markii uu soo korayay. Wuu ku dagaalami jiray wax kasta oo uu heysto.

“Waxaan ahayn dadka Faqriga ah kuwooda ugu sii faqrisan sidaa darteed si uu Sanchez Lacag u helo wuxuu sameyn jiray wax kasta oo karaankiisa ah isagoo waliba da’ yar.

“Wuxuu dhaqi jiray Baabuurta si uu lacago yar u helo amaba wuxuu shilimaad yar ka heli jiray dadka daawadayaasha oo wuxuu ahaa sida tababare yar oo Jimicsi.

“Dariskiisa ayaa siin jiray Shilimaad yar markuu madadaaliyo. Mararka qaar uu aad u baahan yahay wuxuu garaaci jiray albaabada dariskiisa si uu u waydiisto ROOTI uu cuno.

“Waxay had iyo jeer ugu garaabi jireen waxa ay dhigaashan lahaayeen. Mararka qaar Sanchez Feer (Boxing) ayuu ku sameyn jiray wadooyinka si uu dadka u madadaaliyo.

Humberto oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray:

“Nolosha adag uu ku soo koray Sanchez ayaa ka dhigeysa inuu aad ugu baahi qabo inuu garoonka guul ku gaaro. Wuu ogyahay nasiibka uu ku leeyahay inuu maanta heerkan joogo, marnana ma ilaawi doono meeshuu ka yimid.

“Haddii uu Alexis noqon lahayn laacib kubbada cagta ah wuxuu ka shaqeyn lahaa macdan qodista sida ay sameeyaan ragga inta badan ee halkan jooga, waa nolol aad u adag oo aad bishii oo dhan ku heleyso 300,000 pesos (314 oo bound), Inaad ku soo korto halkan waxaa Alexis u furnaa Saddex dooq, Inuu dhulka Macaadinta ka qodo, inuu Kalluumeyste noqdo amaba ciyaaryahan kubbada cagta ah.

Sanchez waxaa yaraantiisa lagu naaneysi jiray ‘the Squirrel’ ‘Dabaggaalle’ maadaama uu aad u fud fududaa daqiiqdna ku fuuli jiray Geedaha ama meelaha dhaa dheer marka ay kubbada ka fuusho, laakiin markii dambe waxaa loo bixiyay naaneysta ‘El Nino Maravilla’ “Canuga Cajiibka ah’ Sababo la xiriira farsamadiisa naadirka ah ee kubbada cagta.

Waxaa markii hore Sanchez soo arkay tababaraha kooxda dhalinyarada Arauco ee Alberto Toledo, kaa oo kooxda keenay iyadoo ay jirto inuusan xitaa lacagta bixin karin.

Weeraryahanka reer Chile ayaa mar uu soo daahay yimid kooxdiisa oo 1-0 lagu hogaaminayo wuxuuna dhaliyay Sideed Gool.

Safarka Sanchez ayaana sii socday isagoona ku biiray naadiga Cobreloa ee ka dhisan dalkiisa, dabadeedna River Plate ee ka dhisan Argentina, wuxuuna u soo baqoolay Udinese ee ka dhisan Talyaaniga ka hor inta uusan ku soo biirin Barcelona 2011-kii.

Isku soo wada duuboo, Nolosha adag uu ku soo koray kaddib Sanchez ayaa gurigiisa ku yaala London ku fadhiya adduun dhan 5.9-milyan oo bound, wuxuu leeyahay Shineemo gaar ah, meelo lagu dabaasho, Maqaaxi yar iyo xitaa meel ay ku soo degaan Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopter.

Baabuurta uu inta badan ka xeysto waa nuuca loo yaqaano Audi, waxaana lagu qiyaasay qiimo dhan 115, 400 oo bound.

Hadda waxa uu u soo dhaqaaqay Magaalada Manchester oo uu sanadaha soo socdo ku qaadan doono waxaana shaki ku jirin inuu Guri cusub ka iibsan doono, maadaama uu qaadanayo labo laab mushaarkii uu ka qaadan jiray Arsenal.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles