Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Barcelona vs Espanyol

$
0
0

(Spain) 25 Jan 2018. Barcelona ayaa Camp Nou ku marti qaadeysa Espanyol lugta labaad ee wareega sideed dhammaadka Copa del Rey iyadoo la xusuusto in lugtii hore Barca lagu soo cabay 1-0.

Messi iyo xarfaantiisa ayaa ku kalsoon inay cagta marin doonaan Espanyol iyadoo ay jirto inay guul ka wadato.

Waayo Espanyol guul darro ayaa ku soo gaareysay Nou Camp tan iyo 2009.

Taa waxaa dheer in Barca ay hal guul darro oo qura ku soo gaartay garoonkeeda dhammaan tartamada 18-kii bilood ee la soo dhaafay kolkaa ay ka adkaatay Real Madrid Spanish Super Cup bishii August.

Wararka Labada dhinac:

Samuel Umtiti ayaa safka ugu jira sidii uu kulankiisii ugu horreeyay ugu safan lahaa Barcelona tan iyo bishii December, halka lagu wado inuu safka hore ku soo laabto Luis Suarez oo la nasiyay lugtii hore.

Philippe Coutinho ayaa laga yaabaa inuu ugu dambeyn kulankiisii ugu horreeyay u safto Barcelona kaddib markii uu tababarka qaatay usbuucan maadaama uu ka soo kabtay dhaawac bowdada ah.

Andres Iniesta ayaa isna laga yaabaa inuu dib u soo laabto.

Xiddigaha Espanyol Manuel Jurado iyo Pablo Piatti ayaa shaki laga muujinayaa taam ahaanshahooda maadaama ay si gaar ah u sameeyeen tababarka usbuucan.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Barcelona vs Espanyol (Lugta 2-aad ee wareega 8-da Copa del Rey)

Goobta: Camp Nou

Goorta: 11:30 Habeenimo

Garsoorka: Antonio Mateu (Spain)

Safafka Macquulka ah ee Barcelona vs Espanyol:

Barcelona (4-4-2): Cillessen; Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Paulinho, Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez

Espanyol (4-1-4-1): Di.López; Navarro, Duarte, Naldo, Aarón; Da.López; Darder, Fuego, Sánchez, Granero; Gerard

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles