Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Wenger oo ka hadlay guushii ay ka gaareen Chelsea uguna gudbeen Final ka Carabao Cup

$
0
0

(London) 25 Jan 2018. Arsenal ayaa xalay gaartay Finalka Carabao Cup kaddib markii ay 2-1 uga adkaatay Chelsea.

Blues oo car car ku bilaabatay dheesha ayaa waxaa hogaanka waqti hore u dhiibay xiddigooda Eden Hazard, balse waxaa ka daba shaqeeyay daafacooda Antonio Rudiger kaa oo goolna iska dhaliyay mid kalena ku dhiibay kooxdiisa.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Arsene Wenger ayaa badel yar ku sameeyay habkii uu u ciyaarayay isagoona guul ku helay.

Balse macallinka reer France ayaa qiray in markii hore ay kooxdiisu ka cabsaneysay Chelsea.

Arsene Wenger believes Arsenal were scared of Chelsea before they fought back to win 

“Qeybtii hore ee ciyaarta waxaan Chelsea siinay xushmad badan iyo masaafo wayn,” Wenger ayaa sidaa yiri.

“Waan ka cabsaneynay inaan weerarno, waana ku dhibtoonay midaa.

“Kuma ciyaareyn kubbad heysashada saxda ah balse dib ayaan ka saxnay midaa qeybta labaad ee ciyaarta, waxaana la wareegnay xukunka ciyaarta.

“Waan ogeyn inaan bandhig fiican sameyn karno qeybta labaad waana midaan sameynay. Qeybta hore iyagaan daawaneynay, laakiin waan xooganeyn nasiinada qeybta hore kaddib.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles