Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Madaxwaynaha Real Madrid oo go’aan ka qaatay Zidane kaddib markii xalay laga reebay Copa del Rey

$
0
0

(Madrid) 25 Jan 2018. Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa la sheegayaa inuu go’aan wayn ka qaatay Zidane isla markaana uu doonayo inuu kooxda ka ceyriyo kaddib guul daradii lama filaanka ahayd ee xalay ka soo gaartay kooxda yar ee Leganes.

Los Blancos ayaa xalay laga reebay Copa del Rey lugta labaad kaddib markii ay 2-1 uga adkaatay Leganes xilli lagu ciyaarayay Bernabeu isla markaana ay Real Madrid 1-0 ku soo adkaatay lugtii hore ee sideed dhammaadka.

Cad cadka ayaa kol hore ka quustay horyaalka La Liga maadaama ay 19-dhibcood ka hooseeyaan Barcelona, waxayna iminka ka sabreen Copa del Rey taa oo ka dhigan in koobka kaliya ee u harsan xilli ciyaareedkan uu yahay Champions League oo ay waliba ku beegan tahay PSG oo aan dab yar shideyn.

Zinedine Zidane

Warsidaha Diario Gol ayaa sheegaya in Florentino Perez uu kol horeba go’aan ka qaatay Zidane isla markaana uu doonayo inuu kooxda ka ceyriyo.

Macallinka reer France ayaa si qurxoon ku bilowday waayihiisa Real Madrid isagoona muddo gaaban gudahood ugu soo xareeyay koobab badan oo waa wayn.

Balse waxaa iminka saaran cadaadis aan innaba caadi ahayn waxayna sabtida u safri doona gegada Mestalla si ay ula ciyaaraan naadiga Valencia oo ku jirta kaalinta saddexaad ee horyaalka La Liga.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles