(London) 14 Abriil 2016. Chelsea oo shaki la’aan dib u habeyn xoogan isku sameyn doonta xilli ciyaareedka soo socda marka uu xilka u qabto Antonio Conte ayaa lacago rikoodh ka noqonaya Premier League ku dooneysa kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos.
Chelsea ayaa la sheegay in dalab 63.5-milyan oo bound ay ka gudbisay 30-jirka reer Spain ee loo arko mid ka mid ah daafac yada ugu fiican adduunka wuxuuna 11-sanadood ku qaatay Real Madrid.
Yeelkeede, Blues ayaa ku kalsoon lacagaha rikoodka ah ay ku duufsan karto kooxda cad cadka inay iibiyaan kabtankooda.
Ramos ayaa bartanka ugu jiray kuturi kuteen suuqa kala iibsiga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay iyadoo ay Man United isku dayaysay inay la saxiixato.
John Terry ayaa daaha ka rogay inuu isaga tagi doono Stamford Bridge dhammaadka kal ciyaareedkan, lakiin tababaraha soo socda ee Conte ayaa doonaya inuu la hadlo kabtanka Blues si uu u sii joogo.
Hayeeshee, way adkaan doontaa in Terry lagu arko safka hore haddii uu yimaado Sergio Ramos, waxaana la hadal hayaa in daafaca reer England uu u dhaqaaqi doono horyaalka Shiinaha waloow MLS-ka dalka Mareykanka ay qudhoodu doonayaan kabtankii hore ee xulka England.
Gool FM.