(Catalonia) 26 Jan 2018. Luis Suarez ayaa raali galiyay Philippe Coutinho oo xalay Barcelona u saftay kulankiisii ugu horreeyay ciyaartii ay labada gool uga adkaadeen Espanyol kaddib markii uu gool u badeli waayay caawin uu ka helay wiilka reer Brazil taa oo diiwaanka u gali lahayd.
Countin ayaa badel lagu keenay ciyaarta oo ay ka harsan tahay 22-daqiiqo kaddib markii lagu soo badelay Iniesta.
Inkastoo ay Barcelona markaa labo gool ku horkaceysay kulanka ayay misane habeen wacan u noqon lahayd Coutinho haddii uu saaxiibkii hore ee Liverpool Suarez gool u badeli lahaa caawinta uu ka helay.
Dhaliyaha reer Uruguay ayaa laga qabtay baaskii uu ka helay kubbad qaabeeyaha reer Brazil taa oo ka dhigan inuu laacibku seegay Caawin loo diiwaan galin lahaa kulankiisii ugu horreeyay ee Barcelona.
“TO SEMIFINALS, Hambalyo @Phil_Coutinho kulankaagii ugu horreeyay, waxaana rajeynayaa inaan kulanka xiga dhalin doono. wada shaqeyn kooxeed oo wayn.”. Suarez ayaa sidaa ku soo qoray Twitter kiisa isagoona qosol soo raaciyay.
A SEMIS
Felicitaciones por el debut @Phil_Coutinho y espero a la próxima poder hacer el gol
. GRAN TRABAJO EQUIPO!!!!!
TO SEMIFINALS
Congratulations for your debut @Phil_Coutinho and I hope to score next time
. GREAT TEAM WORK!!!!! pic.twitter.com/g712KHA5MY
— Luis Suarez (@LuisSuarez9) January 25, 2018
Gool FM.