(Spain) 27 Jan 2018. Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay Rigooradiisii boqolaad ee dhammaan tartamada kaddib gool ku laadkii uu ka dhaliyay kooxda Valencia ciyaarta iminka dhax mareysa ee horyaalka La Liga.
Kabtanka xulka Portugal ayaa waxaa jilaafeeyay Martin Montoya daqiiqadii 16-aad, Gool ayuuna u badelay rigooradii loo dhigay taa oo ka dhigneyd inuu xiray Boqolka dhammaan tartamada xulka iyo kooxaha uu u soo ciyaaray.
Ronaldo ayaa misane dhaliyay Rigooradii labaad ee kulanka taa oo ka dhigneyd Rigooradiisii 101-aad.
Montoya ayaa markale Rigoore galay balse kolkaan wuxuu jilaafeeyay Karin Benzema, Cristiano Ronaldo ayaana dhinaca bidix ka dhaliyay.
Gool FM.