(Catalonia) 27 Jan 2018. Lionel Messi ayaa sheegay in koobab badan uu Barcelona la qaado ay uga micno badan tahay abaal marinada shaqsi ahaaneed isagoona hoos u dhigay inuu diirada saarayo Ballon d’Or-kiisii Lixaad.
Abaal marinta laacibka ugu fiican ayaa waxaa sanadihii dambe kula dagaalamayay Cristiano Ronaldo kaa oo ugu dambeyn soo bar bareeyay iyagoona kala heysta min 5-jeer.
Laakiin maadaama ay Barcelona sanadkan ku dagaalameyso saddex koob, Messi ayaa sheegay inuu diirada saarayo uun sidii uu guulo ula gaari lahaa kooxdiisa balse uusan maanka ku heyn abaal marino shaqsi ahaaneed.
“Waxaan kol horeba iri in hadafkeygu uusan ahayn abaal marino shaqsi ahaaneed, balse aan kooxda kula guuleysto koob kasta ee la heli karo,” Messi ayaa sidaa yiri.
“Waxaan rajeynaynaa inaan xilli ciyaareedka ku dhammeysan doonno sida ugu fiican. Waxaan aaminsanahay inaan heyno dhabaha saxda ah.
“Nasiib wanaag, si fiican ayay howluhu ku socdaan, waan ku faraxsanahay sida ay howshu ku socoto inkastoo ay wado dheer weli harsan tahay, waa isla hadafka xilli ciyaareedka kasta, inaan isku dayno inaan ku guuleysano wax kasta.”.
Gool FM.