Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waa in Ronaldo iyo Benzema laga ceyriyaa Real Madrid.”.- Sheeko WAALAN oo WhatsApp ku dhex martay Neymar iyo Isco

$
0
0

(Europe) 30 Jan 2018. Bartilmaameedka Real Madrid Neymar ayaa la warinayaa inuu Isco u sheegay in haddii uu kula soo biirayo Bernabeu ay tahay in marka hore kooxda laga diro Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema.

Laacibka reer Brazil ayaa kasbaday sumacada inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu farsamada badan kubbada cagta adduunka wuxuuna ku dagaalamayay abaal marinta Ballon d’Or sanadihii la soo dhaafay.

Wuxuu iminka u ciyaaraa naadiga PSG kaddib markii uu lacagihii ugu badnaa ebid suuqa kala iibsiga 200 oo milyan uga soo tagay Barcelona xagaagii tagay.

Los Blancos ayaa si wayn ugu raad joogta xiddiga reer Brazil, wararkii ugu dambeeyay ayaana sheegaya in 25-jirka uu Isco kala hadlay waxa uu doonayo in la sameeyo ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin gegada Bernabeu.

Sida uu sheegayo warsidaha Diario Gol, in Nyemar uu si joogta ah WhatsApp ugala xiriiro laacibka reer Spain ee Isco.

Wuxuuna kubbad qaabeeyaha u sheegay in Real Madrid ay tahay inay cusbooneysiiso weerarkeeda inta uusan ku soo biirin.

Neymar ayaa doonaya in la iibiyo Cristiano Ronaldo ka hor inta uusan ka soo dhaqaaqin PSG.

Sidoo kale wuxuu doonayaa in kooxda laga diro Karim Bezema inkastoo ay jirto inuu LIKE saaray sawirro uu dhawaan Instagram ka soo dhigay xiddiga reer France.

Laacibka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ayaa doonaya in isbadelo wayn lagu sameeyo Real Madrid ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin.

Express Sport ayaa sidoo kale fahansan in kooxda laga diri karo Gareth Bale maadaama maamulka kooxda ay qaati ka taagan yihiin dhaawacyadiisa joogtada ah.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025