(London) 31 Jan 2018. Mesut Ozil ayaa heshiis cusub oo qaali ah qalinka ugu duugay Arsenal isagoona meel iska dhigay wararka la xiriirinayay Manchester United.
Kubbad qaabeeyaha reer Germany ayaa qaadanay mushaar dhan usbuuciiba 350,000 taa oo ka dhigeysa laacibka ugu mushaarka badan taariikhda Gunners.
Warbixintan ayaa waxaa laga soo xiganayaa wariyaha wayn ee howl gala Hilinka BBC David Ornstein.
Heshiiska Saddex sano iyo barka uu Ozil u saxiixay Asenal ayaa soo afjaray qiyaas fikradeedka laga qabay inuu u dhaqaaqo Manchester United.
Laacibka reer Germany ayaa ka sara mari doona saxiixa cusub ee Gunners Pierre-Emerick Aubameyang kaa oo noqonaya laacibka labaad ee ugu mushaarka badan kooxda.
Sidoo kale mushaarka Cusub ee Ozil ayaa ka dhigan inuu qaadan doono in ka badan labo laab lacagihii 140,000 oo uu markii hore mushaar ahaanta u qaadan jiray.
Taageerayaasha Arsenal ayaa iminka aad u faraxsan iyagoona aaminsan in saxiixyadooda cusub ee Aubameyang iyo Mkhitaryan oo lagu daray Ozil ay wax wayn ka badeli doonto kooxdooda.
Gool FM.