(London) 01 Feb 2018. Chelsea ayaa xalay guul daro lama filaan ah 3-0 kala kulantay naadiga Bournemouth.
Antonio Conte ayaa u cabsi qaba fursada ay Chelsea ugu soo bixi karto afarta sare ee Champions League.
Guul daradii xalay ayaa ka dhigan in Blues ay labo dhibcood uun ka sarreyso naadiga Tottenham oo ku jirta kaalinta 5-aad ee horyaalka Premier League.
“Waa inaan wal-walnaa aana halgan u galnaa booska Champions League. Ma noqon doonto mid sahlan,” Conte ayaa sidaa yiri.
“Laakiin waa inaan iminka isku diyaarinaa inaan ku dagaalanno inaan midan sameyno. Diyaar ayaan ahay aniga waxaana aaminsanahay in ciyaartoyda ilaa iminka ay aad u wacan yihiin.
“Halka sare ayay ka joogaan go’aanka iyo dabeecada. Haddii ay sidaa sameyn lahayn, booska aan ka joogno Premier League intaan wuu ka sii xumaan lahaa.
Gool FM.