(England) 01 Feb 2018. Jose Mourinho ayaa furka ku tuuray daafacyadiisa kaddib markii gool laga muday Ciyaarta oo socota 11 ilbiriqsi oo qura kulankii ay guul darada 2-0 xalay kala kulmeen Tottenham.
Phil Jones ayaa goolka labaad ka dhaliyay kooxdiisa waliba si qurxoon taa oo ka sii careysiisay macallinka mayilka adag.
“Waa wax lagu qoslo, in ceynkaa oo kale gool lagaaga dhaliyo wax caadi ah maaha. Waxaan sidaa sameynay kulankii Stamford Bridge kaddib markii gool nalooga dhaliyay hal daqiiqo, laakiin in baaska koowaadba gool lagaaga dhaliyo waa wax lagu qoslo.” Jose ayaa sidaa yiri.
“Waxa si gaar uga sii dhigaya in lagu qoslo ayaa ah inaan falanqeynay Tottenham kulanka ka hor.
“Waan ogeyn inay ciyaari doonaan kubbad dhaa dheer isla markaana uu Kane isku dayi doono inuu kubbada ku dhex qabsado kooxda ka soo horjeeda.
“Laakiin afar qalad 11 ka ilibiriqsi ee ugu horreysa isla markaana ay si lama filaan ah guul daro kaaga soo gaareyso koox fiican.
“Ma oran in goolku ahaa mid lagu qoslo, waxaan iri inuu ahaa nasiib darro, intaa kaddib Tottenham gacanteeda ayay ku heysatay kulanka.
“Kaddib goolka koowaad waxaan sameynay fal celin fiican waxaana isku daynay inaan gool abuurno. Laakiin goolka labaad maskax ahaan ayuu kooxda u dilay.
“Koox waxay u baahan tahay inay goolal dhaliso kulamada ayna si fiican u difaactanto, balse dhacdadan aad ayaan u liidanay.”.
Gool FM.