(Manchester) 16 Abriil 2016. Wiilka Dugsileyda amaba Iskuuleyda waxaad tiraahdaan ee weerarka kaga ciyaara Man United Marcus Rashford ayaa markale shabaqa tagay guul muhiim ahna ku hogaamiyay Man United ciyaartii dhawaan ay Old Trafford gool madi ah kaga adkaadeen Aston Villa.
18-jirkan ayaa u dhaliyay Man United 7-gool 12-kulan oo qura, waxaana xusid mudan in kulanku ahaa kii ugu horreeyay oo lagu soo bilaabo maalin sabti ah.
Rashford ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay ebid ee Man United u dhaliya afar gool horyaalka Premier League isagoon gaarin 19-jir.
Haddaba aqri baraha bulshada oo isla qarxay ammaana ugu qubeeyay wiilka yar:
“Marcus Rashford ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay kulankiisii ugu horeeyay oo sabti ah, goortii la doono iyo meeshii la doonaba.” Mid baa sidaa ku soo yiri Twitter.
Kuwa kalaa yiri: “Rashford markale ayuu u dhaliyay Man United, canuga si fiican buu sameynayaa”.
“Rashford shaqada ayuu ku sii heyn doonaa Van Gaal wax dhib ah malahan”.
“Van Gaal wuxuu u qalmaa 10-sano oo heshiis kordhin ah, maadaama uu soo hindisay ama soo saaray Rashford”.
“Rashford wuxuu noqon doonaa mid aan innaba caadi ahayn xilli ciyaareedka soo aadan, waan ku faraxsanahay midkan yar.”.
“Rashford goortuu rabo ayuu dhalinayaa.”.
Gool FM.