Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Inay xilli ciyaareedkan soo qabtaan Man City iska dhaafee kan soo socda xitaa ma soo qaban karaan.”-.- Rooney oo si xun ugu digtay Man United

$
0
0

(England) 06 Feb 2018. Rugcadaaga Manchester United Wayne Rooney ayaa qaba in kooxdiisii hore aysan horyaalka ku garaaci karin dariskooda Manchester City xitaa kal ciyaareedka soo socda.

Laacibka ugu goolasha badan taariikhda Old Trafford ayaa sheegay inay ku adag tahay inuu ammaano kooxdii cadowgiisa ahayd balse uu qiray inuu ka helo sida ay dariska kubbada u ciyaarayaan.

Kabtankii xulka England ayaa aaminsan in Pep Guardiola uu Man City ka dhigi karo sidii Barcelona oo kale.

“Ma soo qaban karaan xilli ciyaareedkan,” Rooney ayaa sidaa u sheegay Monday Night Football.

“Haddii aan daacad u hadlana way adkaan doontaa inay xitaa soo qabtaan xilli ciyaareedka soo socda, waxay ku dhow yihiin heerkii ay beri joogi jirtay Barcelona.

“Ma ahan wax fiican in sidaa la dhoho. Laakiin waa inaad ku raaxeysataa qaabkaasi kubbada cagta. Waa wax waxyn inaad daawato gaasinimadaas kubbada. Goolhayaha gadaal ayuu ka soo bilaabaya. mararka qaar way fiican tahay.”.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025