Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: Clarence Seedorf oo loo magacaabay Tababaraha koox wayn oo ka dhisan La Liga

$
0
0

(Spain) 06 Feb 2018. Xiddigii hore ee kooxaha AC Milan iyo Real Madrid Clarence Seedorf ayaa si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha naadiga Deportivo ee horyaalka La Liga.

Rugcdaagii xulka Holland ayaa noqon doona tababaraha saddexaad ay yeelato kooxda reer Spain xilli ciyaareedkan gudihiisa.

Cristobal Parralo ayaa axadii ka tagay xilka kaa oo isna markii hore ka dhaxlay Tababarihii hore ee West Brom Pepe Mel.

Shaki kuma jiro inuu guuleystay waayihii ciyaareed ee Seedorf, oo shan jeer ayuu ku guuleystay Champions League halka uu shan jeer ku guuleystay horyaalada Spain, Italy iyo Holland.

41-jirka ayaa waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxdiisii hore ee AC Milan 2014-kii, balse afar bilood oo qura ayuu xilka hayay.

Waxaa misane shan bilood kaddib laga soo ceyriyay kooxda Shenzhen ee dalka Shiinaha ka hor inta aan lagu badelin Sven-Goran Eriksson.

Ugu dambeyna wuxuu iminka qabtay xilka Deportivo oo kaalinta 18-aad kaga jirta La Liga isla markaana saddex dhibcood oo qura u jirta booska ay hoos ugu dhaceyso heerka labaad.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles