Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Horseed oo si xun u xasuuqday Betroolka Somalia Premier League

$
0
0

(Muqdisho) 08 Feb 2018. Horseed ayaa qabatay hogaanka Horyaalka Somalia Premier League kaddib markii ay galabtay 5-1 ku xaaqday naadiga Betroolka.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 5-0.

Xiddiga sida mashiinka u maamula qadka dhexe ee Xasaasi ayaa goolashiisii ugu horreeyay iyo saddexleydiisii ugu horreeyay u dhaliyay naadigiisa cusub ee Horseed.

Goolka afaraad waxaa Horseed u saxiixay Direey halka uu goolka shanaad qeybta horeba ku soo xiray xiddiga Ajnabiga ah ee Frank Wananda.

Goolka madiga ee Betroolka ayaa ahaa Atoreeto oo waxaa iska dhaliyay Maxamed Cabdiraxmaan Cali.

Goolhayaha naadiga Horseed ayaa qabtay rigooradii labaad ee xilli ciyaareedkan cusub kaddib markii uu rigoore horey uga soo qabtay laacibka Banaadir Daadir Amiin.

Guusha ayaa Horseed uga dhigan inay hogaanka Dekadda kula heyso 7-dhibcood.

No automatic alt text available.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles