(Spain) 09 Feb 2018. Barcelona ayaa xalay isa soo taagtay Finalka Copa del Rey markii afaraad oo xiriir ah kaddib markii ay 2-0 uga taqalustay Valencia.
Xiddigaha Valencia ayaa xalay si gaar ah u bartilmaameedsanayay Lionel Messi maadaama ay isku dayayeen inay joojiyaan.
Dhammadka qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 37-aad xiddigii hore ee qadka dhexe Arsenal Francis Coquelin ayaa maaliyada xooga uga siibay Lionel Messi mar uu si xoogan u raacanayay.
Garsooraha ciyaarta ayaan xitaa qalad u dhigin laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or iyadoo ay jirto in xitaa maaliyadii lagala baxay.
Intaa oo kaliya maahanee goolhayaha Valencia ayaa xitaa dhaawici gaaray Messi mar uu kubbada bixinayay isagoona ka soo dul dhacay.
DAAWO SAWIRRO:
Gool FM.