Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Yaa hogaaminaya Gool dhalinta horyaalka Serie A????

$
0
0

(Italy) 12 Feb 2018. Xiddigihii hogaaminayay Gool dhalinta Serie A ayaa usbuucyadan gaabis ku yimid iyagoo aan wax gool ah dhalin marka laga reebo Quagliarella.

Napoli iyo Juventus oo hogaaminaya horyaalka ayaan wax laacib ah ku lahayn saddexda ugu sarreysa tartanka gool dhalinta.

Weeraryahanka Lazio Ciro Immobile ayaa 20-gool ku hogaaminaya gool dhalinta Serie A isagoona sidoo kale sameeyay 8-caawin.

Kabtanka Inter Milan Icardi ayaa ku soo xiga oo leh 18-gool halka uu caawiyay hal gool oo qura.

Dhaliyihii hore ee Juventus ee iminka u safta Sampdoria ee Fabio Quagliarella ayaa saddexaad ku jira oo leh 17-gool wuxuuna caawiyay Shan gool.

Eeg kala sarreynta gool dhalinta Seriea A:

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles