Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Real Madrid oo helaysa Aqbaar xun ka hor lugta Labaad ee PSG

$
0
0

(Madrid) 19 Feb 2018. Real Madrid ayaa helaysa aqbaar kale oo xun ka hor lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League ay Paris kula soo ciyaari doonaan PSG.

Toni Kroos ayaa shaki wayn laga muujinayaa taam ahaanshihiisa kulanka kaddib dhaawac ka soo gaaray lugta hore balse waxaa xalay dhaawac hor leh uu soo gaaray Marcelo.

Daafaca reer Brazil ayaa la badelay ciyaartii xalay ay Real Madrid 5-3 uga adkaatay Real Betis kaddib markii uu soo gaaray wax u muuqda dhaawac muruqa ah.

Waaxda caafimaadka oo la tacaaleysa dhaawiciisa ayaa ku war galiyay Zidane inuusan kulanka sii wadan karin iyadoona lagu soo badelay Theo Hernandez.

15-maalmood oo qura ayaa ka harsan kulanka PSG su’aasha taagana waa haddii uu diyaar noqon karo Marcelo iyo haddii kale.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles