(Europe) 19 Feb 2018. Barcelona ayaa u soo safreysa Ingiriiska si ay habeen dambe ula ciyaarto Chelsea lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.
Blues ayaa u jeedkeedu yahay inay u soo gudubto wareega sideed dhammaadka tartankan markii ugu horreysay tan iyo 2016.
Halka Lionel Messi uu qorshihiisu yahay inuu soo afjaro sheekada ah weligiis gool kama dhalin Blues isagoona doonaya inay Barca u gudbiyo wareega xiga.
Warsidaha Diario Gol ee dalka Spain ayaa warinaya in Messi uu doonayo inuu seefta dul dhigo Chelsea kulanka habeen dambe.
Si ay midaas ugu suuro gashana wuxuu tababre Ernesto Valverde ku amray inuusan ciyarsiin Ousmane Dembele oo ku jira qaab ciyaareeed liita tan iyo sidii uu ugu soo biiray kooxda.
Waxaa loo badinayaa inuu Dembele ciyaari doono kulankaas maadaama uu Coutinho u ciyaari karin Barcelona tartanka Champions League.
Laakiin xiddiga reer Argentina ayaa ka biyo diidsan in la safo wiilka reer France.
Intaa oo kaliya ma ahanee Lionel Messi ayaa sidoo kale doonaya inaan shaxda kooxda lagu soo darin xiddiga qadka dhexe ee reer Portugal Andre Gomes.
Gool FM.