(England) 17 Abriil 2016. Liverpool ayaa 2-1 uga adkaatay naadiga AFC Bournemouth xilli ay ay garoonka ku soo galeen shax aan looga baran iyadoo ay badel badan ku sameeyeen shaxdoodii hore.
Intii aan la marin qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadaheedii u dambeeyay ayaa waxaa goolka koowaad ugu daah furay Liverpool weeraryankooda reer Brazil ee Roberto Firmino afar daqiiqo kaddib daqiiqadii 45 waxaa goolka labaad oo uu madaxa la helay u dhaliyay Daniel Sturridge.
Joshua King ayaa dhaliyay goolka qura ay la yimaadeen kooxda Bournemouth dhammaadkii ciyaarta.
Liverpool ayaa iminka ku jirta kaalinta 8-aad ee horyaalka iyadoo urursatay 51-dhibcood halka AFC Bournemouth ay ku jiraan kaalinta 13-aad 41-dhibcood.
SAWIRRO:
Gool FM.