Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Chelsea vs Barcelona….(Kulanka Usbuuca ee Champions League)

$
0
0

(Europe) 20 Feb 2018. Chelsea ayaa eeganeysa inay sii hagaajiso Rikoodhka fiican ay ka heysato Barcelona marka ay caawa la ciyaarayaan lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Kooxda Antonio Conte ayaa guuleysatay afar kulan oo qura 12-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada halka hogaamiyayaasha La Liga ee Barcelona laga adkaaday hal kulan xilli ciyaareedka oo idil.

Yeelkeede, Chelsea ayaa guulo gaareysay kulamadii dhawaa ay la ciyaartay Barcelona.

Kooxda xafidaneysa Premier League ayaa wax guul darro ah kala kulmin Barca todobadii kulan ee ugu dambeeyay ay wada ciyaaraan Champions League.

Sidoo kale waxay garaaceen Semi finalkii 2012 iyagoona sanadkaa ku guuleystay Koobka Dhaga waynaha.

Wararka Labada dhinac:

David Luiz iyo Tiemoue Bakayoko shaki ayaa laga muujinayaa taam ahaanshahooda.

Marcos Alonso ayaa lagu wadaa inuu dib u soo labto.

Barcelona waxaa ka ganaaxan Nelson Semedo, halka uusan u ciyaari karin saxiixooda cusub ee Philippe Coutinho maadaama uu Champions League u soo saftay Liverpool.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Chelsea vs Barcelona (Lugta hore ee wareega 16-ka Champions League)

Goobta: Stamford Bridge

Goorta: 10:45 Habeenimo

Garsoorka: Cuneyt Cakir (Turkey)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Chelsea iyo Barcalona ayaa markii 13-aad isku wajahaya Champions League, waana kulanka shanaad ee ugu badan ee la ciyaaro tartankan.

Labada kooxood ma aysan ciyaarin tan iyo 2012 kolkaa ay Blues ku adkaatay isku cel celis 3-2.

Barcelona hal kulan oo qura ayay adkaatay lixdii kulan ay Chelsea kula ciyaartay Stamford Bridge Champions League (4-guul darro iyo hal bar baro), kulanka ay adkaatay wuxuu ahaa Feebaraayo 2006 (2-1).

Sidoo kale Barcelona marna shabaqeeda ma ilaashan kulamadii ay ku ciyaartay garoonka Chelsea.

Chelsea ayaa isku dayi doonta inay gaarto Sideed dhammaadka Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2013-14. Yeelkeede, wax guul ah ma aysan gaarin lixdii kulan ee ugu dambeeyay ay ciyaarto Bug baxa (3-guul darro iyo 3-bar baro)

Eden Hazard ayaa dhaliyay saddex gool halka uu caawiyay labo, Shantii kulan ee ugu dambeeyay Champions League.

Lionel Messi ayaa ciyaaray 655 daqiiqo kulamadii uu Chelsea uga hor yimid Champions League weligiisna gool kama dhalin.

Ma jirto koox kale uu waqtigaas dheer la ciyaaray Messi misane uusan gool ka dhalin.

Safafka Macquulka ah ee Chelsea vs Barcelona:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025