Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maxamed Saalax iyo Messi kee BIDIX Fiican…(Aqri Jawaabta Klopp)

$
0
0

(England) 24 Feb 2018. Maxamed Saalax ayaa wacdaro aan innaba caadi ahayn ka dhigaya Premier League tan iyo sidii uu ugu soo biiray kooxda Liverpool.

Wiilka Muslimka ah ee reer Masar ayaa 31 gool u dhaliyay Reds 36 kulan uu kal ciyaareedkan u saftay.

Dadka qaar ayaa durba qaba inuuba ka mid yahay laacibiintii ugu fiicneyd kubbada cagta halka qaarna ay qabaan in 25 jirka uu ugu yaraan kal ciyaareedkan ku heer yahay Lionel Messi oo ay lugta bidix ku wada ciyaaraan.

Halka Qaar ay qabaan inuu yahay mid ka mid ah ganacsigii ugu fiicnaa ee suuqa laga sameeyo xagaaga.

Natiijada sawirka Mohamed Salah and Klopp

Balse tababare Jurgen Klopp ayaa qaba fikir kaa ka duwan isagoona hoos u dhigay in Salah lala meel dhigo xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or.

“Maxamed Saalax ma ganacsigii ugu fiicnaa baa adduunka oo idil? Lionel Messi wuxuu ku ciyaaraa lugta Bidix miyaysan ahayn? Lama ilaawi karo isaga, kan ugu fiican adduunka” Klopp ayaa sidaa yiri isagoo dhoola caddeynaya.

“Anigu ma xiiseeyo dabaqadahaas laakiin Maxamed wuxuu leeyahay Bidix Fiican.

“Aad ayaan ula yaabay in sidoo kale goolashii ay ka mid tahay kuwa Madaxa ah.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles