(England) 25 Feb 2018. Taageerayaasha Liverpool ayaa aad ula dhacsan oo ugu bogsan xiddiga Muslimka ah ee Maxamed Saalax iyadoo uu xitaa saameeyay quluubtooda.
Wiilka reer Masar ayaa sii cago cageynaya 31-gool 37 kulan kal ciyaareedkiisii ugu horreeyay u safto Reds.
Maxamed ayaa gool dhaliyay midna dhiibay kulankii ay xalay 4-1 uga adkaadeen kooxda West Ham.
Taageerayaasha Liverpool ayaa kulamadii dhawaa bilaabay inay ku qeyliyaan erayo dhab ahaantii farxad galisay ummada Islaamka.
“Haddii uu adiga kuu fiican yahay anigana wuu ii fiican yahay, haddii uu dhaliyo goolal kale oo yar, anigana Muslim ayaan noqon doonaa sidoo kale,” Muuqaal la soo duubay ayay taageerayaasha qaar ee Liverpool ku qeylinayeen garoonka gudihiisa iyo dibadiisa.
Kuwa kale ayaa iyana ku qeylinayay: “Wuxuu dhex fadhiyaa Masjidka, Waana meesha aan doonayo inaan joogo.”.
Arrinkan waxaa aad u soo dhaweeyay Maamulka qoomiyada Islaamka ee ku nool dalka Ingiriiska.
Mumin Khan ee ah Maamulaha Masjidka Abdullah Quilliam ee ku yaala Liverpool ayaa yiri:
“Dhammaan waan jecelnahay Maxamed Saalax.
“Hadalada ay ku qeylinayeen taageerayaasha waxay isbadel wayn ku keeneen aragtida laga qabay iimaanka Muslimiinta.
“Waxay bur burisay cabsida iyo naceybka iyadoo muujineysa inaan dhammaan nahay hal Qaran.”.
“Weerarada Argigixisada ayaa cabsi ku baahisay iimaanka Islaamka balse Maxamed Saalax wuxuu dadka u muujiyay inaynaan Argagixiso ahayn.
Gool FM.