(England) 25 Feb 2018. Maxamed Saalax ayaa wacdaro aan kala joog lahayn ka dhigaya Liverpool tan iyo sidii uu xagaaga ugu soo biiray.
Laacibka reer Masar ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 31-aad 37 kulan uu dhammaan tartamada u saftay Reds.
Taageerayaasha Liverpool ayaa dhawaan bilaabay inay ku qeyliyaan magaca Maxamed iyadoo xitaa ay kuwa qaar ku dhiiranayaan inay qaataan Diintiisa Islaamka.
Halka kuwa kalena ay sheegeen in wiilka Muslimka uu jooga Masjidka iyagana ay rabaan inay aadaan halkaa.
Yeelkeede, Maxamed Saalax ayaa laga sameeyay Muuqaal Qosol leh oo ka tarjumaya xawaarihiisa dheereeya.
DAAWO:
Gool FM.