(Madrid) 07 Maarso 2018. Real Madrid xalay ma aysan u soo bixin oo kaliya wareega sideed dhammaadka Champions League balse waxay sidoo kale horey iyo gadaal u martay kooxda PSG.
In camaaliqada reer France laga soo cirib tiro Koobka dhaga waynaha ayaa fariin u direysa wiilka dhaawacan ee Neymar, iyadoo xusuusineysa in haddii uu doonayo Guul ay qasab tahay inuu heshiis u saxiixo Real Madrid.
PSG, natiijada waxay uga dhigan tahay in weli sida ay xooga ugu heystaan horyaalka Faransiiska aysan ugu heysan tartamada Yurub.
Waxaa la arkaa inay Malaayiin hestaan balse waxay waayeen Natiijo iyo waliba edeb iyo dabeecad garoonka gudihiisa ah.
Marco Verratti isaga unaa dhistay oo keensaday in kaarka cas loo taago taa oo keentay inay kooxdiisu ku ciyaarto 10-laacib.
Isku soo wada duuboo, Neymar ayaa uga soo tagay Barcelona inuu xukumo ciyaaraha isla markaana ka hoos boxo hooska Messi, haddii uu doonayo inuu dib ugu soo laabto wadada guulaha waa inuu xirtaa maaliyada cad cadka ee Real Madrid.
Gool FM.