Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Hector Bellerin oo seegaya kulanka Arsenal vs Milan

$
0
0

(London) 07 Maarso 2018. Hector Bellerin ayaa seegi doona kulanka Europe League ay ku wajihi doonaan AC Milan tartanka Europe League.

Daafaca garabka midig ee Gunners ayaan kooxda ula safrin Milano sababo dhibaato uu ka qabo Jilibka taa uu garoomada uga sii maqnaan karo kulamo kale oo yar oo uu ka mid yahay kulanka axada ee Watford.

22-jirka reer Spain lagama reebin kulankii Brighton, balse keydka ayaa la dhigay ka hor tag ahaan, mana uusan ka xumaan inaan lagu soo bilaabin waayo Arsenal waxay isku dayaysay inay nasiino yar siiso si uu taam ugu noqdo kulanka Milan.

Bellerin ayaa dhibaatada uu qabo ku ciyaarayay usbuucyo yar maxaa yeelay waxaa ka go’neyd inuusan kulan seegin isagoona doonayay inuu kooxda caawiyo.

Laakiin nasiino la’aanta ayaa saameysay dhibaatada wuxuuna iminka seegi doonaa kulanka Milan taa oo dhabar jab xoogan ku noqoneysa kooxda Wenger.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025