(Madrid) 11 Maarso 2018. Taageerayaasha Real Madrid ayaa xalay aad u yaabay kaddib markii uu kabtankooda Serigo Ramos garoonka ka baxay daqiiqadii 73-aad iyadoo aan la badelin isla markaana uusan wax dhaawac ah qabin.
Daafaca reer Spain ayaa ka dusay kanaalka garoonka looga boxo isagoona wax yar kaddib soo laabtay.
Lama ogeyn sababta ilaa uu Zidane xaqiijiyay ciyaarta kaddib in Ramos uu Musqul u baahday sidaa darteed uu garoonka uga baxay misane dib ugu soo laabtay si dhaqsi leh.
Haddaba SAWIR MAAD LEH ayaa laga sameeyay Ramos iyadoo loo xiray Xafaayad:
Gool FM.