(Madrid) 11 Maarso 2018. Sida ay sheegayaan warar dhawaan gal ah oo ka imaana dalka Spain in Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaa isku dayayaan inay is hortaagaan heshiiska suuro galka ah ay Real Madrid ugu dhaqaaqeyso Paul Pogba.
Xiddiga qadka dhexe ee Manchester United ayaa ku jira liiska ay rajayneyso Los Blancos xagaaga sida uu warinayo Don Balon.
Warsidaha ayaa sheegaya in Kabtan Ramos uu maqlay xiddigaha bartilmaameedka u ah madaxwayne Florentin Perez.
Daafaca reer Spain iyo kabtanka xulka Portugal ayaa ka walcsan saameynta uu qolka dhar badelashada ku yeelanyo Pogba.
Tan kale Ronaldo ayaaba qaba inuu yahay Saxiix aan kooxda looga baahnayn sida uu warinayo Don Balon.
Laacibka ugu qaalisan Man United ayaa lala xiriirinayay inuu ka soo dhaqaajiyo Old Trafford kaddib qaab ciyaareed liita uu galay taa oo keentay in Jose uu keydka u dhaadhiciyo.
Sidoo kale waxaa jiray warar tibaaxaya in wiilka reer France ay tababarka isugu dheceen macalinka Mayilka adag.
Laakiin Wakiilkiisa Mino Raiola ayaa yiri:
“Cidna meel uma qaadayo waayo ma ihi Taxi ama Diyaarad.
“Dabcan, haddii ay howshu xumaato waxaan diyaar u noqon doonaa inaan shaqadeyda qabsado, taa oo ah inaan xal kale u helo kooxda iyo ciyaaryahanka.
“Ma jiro dagaal kala dhexeeya Mourinho wuxuuna Pogba doonayaa inuu Koobab kula guuleysto Manchester United.”.
Gool FM.