(Europe) 12 Maarso 2018. Jamie Carragher ayaa Ceeb lugaha kula jira kaddib markii uu wajiga ka Candhuufay gabar 14-jir ah.
Daaficii hore ee Liverpool ee iminka ka howl gala hilinka Skysport ayaa shaqadii xitaa laga ganaaxay kaddib dhacdadan oo ay u horseeday guul daradii sabtida Reds ka soo gaartay Manchester United.
Haddaba Sheekada Carragher kaddib, The Sun ayaa soo qaadatay dhacdooyinka Candhuufta la xiriirta ee kubbada cagta ka dhex dhacay.
Liiska ayaa waxaa ka soo dhex muuqanaya labada Laacib ee dunida ugu wanaagsan casrigan ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Haddaba ka Bogo:
1. FRANK RIJKAARD – Holland vs Germany, 1990
Halyeeyadii xulalka Holland iyo Jarmalka Frank Rijkaard iyo Rudi Voller ayaa cagta cagta isku saaray koobkii adduunka ee 1990 lagu qabtay Talyaaniga.
Rijkaard ayaa candhuuf wayn u saariyay Voller iyadoo ay jirto inuu si xun u jilaafeeyay, taa oo keentay in dhibanihii kaar jaalaha loo taago kaddib markii uu cabsho ka gudbiyay.
Labada Laacib ayaa ugu dambeyn kulnkaasi laga saaray kaddib dhacdo kale.
2. PATRICK VIEIRA – West Ham vs Arsenal, 1999
Patrick Vieira ayaa candhuufay Neil Ruddock ciyaar ay Arsenal la yeelatay West Ham 1999 kii kaddib markii kaarka cas loo taagay laacibka reer France.
3. EL HADJI-DIOUF – Celtic vs Liverpool, 2003
El-Hadji Diouf oo ku caanka baxay inuu Calyada dadka ku tufo, ayaa waxaa lagu xusuustaa dhacdadii 2003, markii ay Liverpool Celtic la ciyaareysay Uefa Cup quarter-final, markaa uu Candhuuf ku tufay Taageero Celtic ah.
4. FRANCESCO TOTTI – Italy vs Denmark, 2004
Francesco Totti ayaa wajiga ka candhuufay Christian Poulsen Euro 2014. Laacibka reer Talyaani ayaa labo maalmood kaddib la ganaaxay saddex kulan kaddib markii dambiga lagu helay.
5. CRISTIANO RONALDO – Derby vs Man United, 2007
Cristiano Ronaldo ayaa candhuufay Robbie Savage intii lagu guda jiray FA Cup 2007.
Labada laacib ayaa dhowr jeer xurduf kulul dhex martay, Ronaldo ayaana markii dambe calyo u tufay dhanka Savage kaddib markii la jilaafay maaliyadana laga soo qabtay.
6. LIONEL MESSI – Malaga vs Barcelona, 2008
Dabcan, ma ahan laacib laga filanayo dhaqankan, balse wuxuu halka sare ka soo galay Liiska xarfaanta calyada ku tuftay xiddigaha ka soo horjeeda.
Intii lagu guda jiray kulan ay Barca la yeelatay Malaga 10-sano ka hor, Messi ayaa dhabarka ka candhuufay Duda kaddib markii uu marar badan jilaafeeyay.
7. ANTOLIN ALCARAZ – Wolves vs Wigan, 2011
Ciyaartoyda kooxaha Wolves iyo Wigan ayaa dagaal wayn dhex maray intii lagu guda jiray kulan ay wada ciyaareen 2011.
Antolin Alcaraz ayaana candhuufay xiddiga Wolves ee Richard Stearman.
8. PAPISS CISSE & JONNY EVANS – Newcastle vs Man United, 2014
Afar sano ka hor isku dhac kulul oo dhex maray Newcastle iyo Man United ayuu Cisse u muuqday inuu candhuufay Evans.
Labada Laacib ayaa midba kan kale ku eedeenayay inuu Calyo ku tufay.
9. ARTHUR MASUAKU – Wigan vs West Ham, 2018
Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambeysay iyadoo uu xiddiga West Ham Arthur Masuaku candhuufay laacibka Wigan ee Nick Powell bishii Janaayo ee la soo dhaafay, laacibka ayaana si toos ah kaar cas loogu taagay.
Gool FM.
Gool FM.