Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

SHEEKO YAAB LEH: Neymar oo Fariin u soo diray Marcelo si uu ugu sii gudbiyo Ronaldo…(Maxay tahay??)

$
0
0

(Europe) 12 Maarso 2018. Neymar ayaa lacagihii ugu badnaa ebid kubbada cagta xagaaga ugu biiray PSG balse waxaa xowli ku socda wararka xanta ah ee sheegaya inuu doonayo inuu durba ka soo tago kooxda reer France.

Warar ka imaanaya dalka Spain ayaa tibaaxaya in Madaxwayanaha Real Madrid Florentino Perez uu qorsheenayo in wiilka reer Brazil uu dib ugu soo celiyo horyaalka La Liga.

Sida uu warinayo Diario Gol, Neymar ayaa diyaar u ah inuu u soo dhaqaaqo Bernabeu.

Warsidaha ayaana intaa ku daraya in Neymar uu xiddiga ay dhalashada wadaagaan ee Marcelo uu u soo diray Fariin ku aadan Qorshihiisa si uu ugu sii gudbiyo Ronaldo.

Image result for Marcelo and Neymar

Waxaa la warinayaa inuu doonayo inuu ka garab ciyaaro xiddiga reer Portugal si la mid ah sidii uu Barcelona ula soo ciyaaray Lionel Messi.

Neymar ayaa qorsheynaya oo kaliya inuu booska ka dhaxlo Ronaldo marka ay wiiqdo awoodiisa sida uu warinayo Diario Gol.

Madaxwaynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa qabin wax dareen ah uu isaga iibinayo Neymar, balse 26-jirka ayaa la sheegayaa inuu go’aansan doono inuu kooxda la sii joogo kaliya waa haddii ay Brazil ku guuleysato koobka adduunka.

Jariiradda Catalan ee Mundo Deportivo ayaa usbuucii tagay sheegtay in Neymar uu wada hadalo la yeeshay Barcelona si uu dib ugu soo laabto Nou Camp.

Real Madrid news: Neymar sends SHOCK transfer message to Cristiano Ronaldo

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles