(Muqdisho) 13 Maarso 2018. Naadiga Savaana ee dhawaan la baxday magaca Batroolka ayaa guul darro la’aan ah kulankii saddexaad oo xiriir ah Somalia Premier League kaddib bar baro 0-0 ay galabta la gashay naadiga Madbacadda.
Batroolka ayaa afar gool uga soo adkaatay Elman, iyadoona dabadeed bar baro 1-1 la soo gashay Benaadir halka ay galabta is mari waayeen Madbacadda.
Savaana oo u muuqata inay kor u soo kaceyso tan iyo sidii loogu bixiyay magaca bari samaadka ee Batroolka ayaa iminka leh 8-dhibcood horyaalka Soomaaliya, waxayna hal dhibic u jiraan Elman oo ku jirta kaalinta 5-aad.
Gool FM.