Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Arsenal vs AC Milan

$
0
0

(Europe) 15 Maarso 2018. Arsenal ayaa caawa Emirates Stadium ku marti galineysa kooxda AC Milan lugta labaad ee wareega 16 ka Europe League.

Gunners ayaa lugtii hore ee lagu soo ciyaaray talyaaniga ku soo adkaatay 2-0.

Wararka Labada dhinac:

Arsenal ayaa dib u heli karta kulanka caawa daafaceeda Shkodran Mustafi.

Daafaca reer Germany ayaa dhaawac Gumaarka ah uga baxay garoonka kulankii dhawaa ay Gunners horyaalka ka adkaatay Watford laakiin waa taam hadda wuuna ilaashan karaa booskiisa.

Hector Bellerin (Jilibka) iyo Nacho Monreal (Dhabarka) ayaa sidoo kale loo soo xulan karaa kulanka.

Balse Lacazette (Jilibka) iyo Santi Cazorla (Seedka) ayaa ka maqnaan doona Arsenal.

Danny Welbeck ayay u badan tahay inuu markale hogaamiyo weerarka kooxda Arsene Wenger maadaama uusan u ciyaari karin Pierre-Emerick Aubameyang .

Goolhaye David Ospina ayaa isna lagu wadaa inuu howshiisa ka sii wato tartankan.

Daafaca Milan Davide Calabria ayaan la safrin kooxdiisa taa oo ka dhigan in weeraryahankii hore ee Liverpool Fabio Borini laga ciyaarsiin doono garabka midig ee daafaca, iyadoo uu booskaasi ku soo bilowday kulankii ay axada 1-0 uga adkaadeen naadiga Genoa.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Arsenal vs AC Milan (Lugta 2-aad ee wareega 16 ka Europe League)

Goobta: Emirates Stadium

Goorta: 11:5 Habeenimo

Garsoorka: Jonas Eriksson (Sweden)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Arsenal ayaa soo gudbeysay 11 kulan ee la soo dhaafay kulamada bug baxa ee Yurub marka ay soo adkaato lugta hore ay bannaanka ku soo ciyaarto.

Milan kama aysan soo kaban guul darro labo gool ah lugta hore ee tartamada Yurub tan iyo bishii Oktoobar 1985. Markaa ay tartanka ka reebeen Auxerre 4-3 isku cel celis labada lug iyadoo ay jirto in lugtii hore ee EUFA Cup looga soo adkaday 3-1.

Gunners iyana marna kuma guul darreysan in kulan tartmada Yurub ah ay soo bixi wayso marka ay lugta hore ku soo adkaato labo gool ama ka badan. 24-jeer ayay soo gudubtay.

Ma jirto koox reer Talyaani oo ebid kulan Away ah ku soo adkaatay London Europe League (3-bar baro iyo 3-guul darro). Shan koox ayaana ku guul darreysatay howshaas oo kale ah- Roma, Juventus, Lazio, Inter Milan iyo Fiorentina labo jeer.

Safafka Macquulka ah ee Arsenal vs AC Milan:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles