Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Boqorka Barca oo xalay dhaliyay Goolkiisii 100-aad ee Champions League…(Muxuu ka yiri??)

$
0
0

(Spain) 15 Maarso 2018. Lionel Messi ayaa xalay Labo gool ka dhaliyay Chelsea kulankii ay 3-0 uga adkaadeen taa oo micno gaar ah u sameysay.

Labada gool ayaa uga dhigan wiilka reer Argentina goolashiisii 99 iyo kii 100 uu ka dhaliyo tartanka Champions League.

Messi oo soo bandhigay farxadiisa ku aadan inuu tiradaas gaaro ayaa yiri:

“Waan ku faraxsanahay inaan Boqol Gool gaar tartanka sidan u quruxda badan. Laakiin tan muhiimka ah waxay ahayd inaan ka suu gudubnay kulan adag aan kaga hornimid koox heysata ciyaartooy badan oo fiican.

“Waxaan maareynay inaan goor hore dhalino gool tanina waxay ahayd muhiim.

“Waan ku faraxsanahay sida ay wax kasta u dheceen.

“Kani wuxuu ahaa kulan adag koox ahaana waxaan ahayn kuwa adag.

“Markii aan dhalinay goolka saddexaad intaa kaddib kulanka ficil ahaan innagaa lahayn.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles