(England) 18 Maarso 2018. Chelsea ayaa u soo baxday Semi Final ka FA Cup kaddib markii ay 2-1 uga adkaatay Leicester City.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay Blues ku hogaamineyso.
Dhammaadka qeybta hore ee ciyaarta Alvaro Morata ayaa gool qurxoon u dhaliyay Chelsea kubbad uu cag dheer dhinac ka dhigay kaddib baas uu ka helay Willian oo ka soo shaqeeyay kubbada.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad Jamie Vardy ayaa goolka ka soo aaray Chelsea daqiiqadii 76.
Balse waqti dheeri oo ciyaarta lagu daray Pedro ayaa u baxay Blues oo farta ka saaray goolka Guusha kaddib baas uu ka helay Kante.
SAWIRRO:
Gool FM.