Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waan idin sheegay inaan ahay kan ugu fiican Adduunka.”.-Ronaldo oo hadlay kaddib abaal Marintii Xalay loo Caleemo Saaray

$
0
0

(Europe) 20 Maarso 2018. Cristiano Ronaldo ayaa markale ammaan is huwiyay kaddib markii loo caleemo saaray laacibka sanadka ee Portugal sanadkii saddexaad oo xiriir ah.

CR7 oo dhaliyay 37-gool 35-kulan uu ciyaaray kal ciyaareedkan ayaa abaal marinta ku garaacay xiddiga Manchester City Bernardo Silva iyo Goolhayaha Sporting CP ee Rui Patricio.

 Ronaldo stunned alongside girlfriend Georgina Rodriguez on the red carpet

“Waxaan had iyo jeer iraahdaa waxaan ahay kan ugu fiican maxaa yeelay waan aaminsanahay midaa, garoonka ayaan ku muujiyay midaa,” Ronaldo ayaa sidaa yiri kaddib markii la guddoonsiiyay Quinas de Oura awards ee laacibka sanadka dalka Portugal.

“Waqti xaadirkan waa waqti wayn aan doonayo inaan la wadaago saaxiibadeyda, Waa mid cajiib ah heerka abaal marinnada shaqsi ahaaneed iyo midka kooxeedba, Sanad Taariikhi ah ayuu u ahaa Real Madrid. 5-koob hal sano gudahood, Shan Baloon d’Or iyo FIFA Award markii labaad.”.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles