Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Sidaan ma fileyn…”. Alexis Sanchez oo ugu dambeyn afka furtay

$
0
0

(Manchester) 22 Maarso 2018. Manchester United ayaa bishii Janaayo Arsenal kala soo wareegtay Alexis Sanchez iyadoo uu heshiiska qeyb ka ahaa Henrikh Mkhitaryan oo dhanka kale u wareegay.

Laacibka reer Chile ayaa ugu dambeyn afka kala furay isagoona qiray inuu filayay sidaan wax ka fiican.

Sanchez ayaa dhaliyay hal gool oo qura toban kulan uu u saftay Red Devils iyadoo uu Mkhitaryan wacdaro muuqato ka dhigayo Gunners.

Qaab ciyaareedka liita uu galay Sanchez ayaa keenay in xitaa keydka loo dhaa dhiciyo ciyaartii dhaweyd ay Manchester United FA Cup la ciyaartay Brighton.

Laacibka ugu mushaarka badan Manchester ayaa mar uu xulkiisa kula sugnaa Sweden yiri:

“Waxaan filayay wax intaan ka fiican.

“Kaddib markii aan imid United, way adkeyd inaan si dhaqsi leh ku badelo wax kasta. Xitaa waxaan ka labo-labeeyay inaan halkan (Sweden) la imaado xulka qaranka.

“Waxaan xulka waydiistay fasax aan kulamadan uga maqnaanayo, laakiin intaa kaddib si fiican ayaan u fikiray waxaana la hadlay Claudio Bravo waxaana u sheegay inaan wadaa midoobeyno.

“Badelashada kooxda wuxuu ahaa wax aad kadis u ah, waxay ahayd markii igu horreysay aan kooxda badesho bisha Janaayo, laakiin waxyaabo badan ayaa nolosheyda igu dhacay kuwaa oo adag.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles