(Manchester) 22 Maarso 2018. Manchester United ayaa ugu dambeyn iska bareejeynaysa kooxaha kale ee Premier League kaddib markii ay si rasmi ah u xaqiijisay inay markii ugu horreysay sameysaneyso koox Haween ah.
Red Devils ayaa ah kooxda kaliya ee iminka ka dhisan Ingiriiska oo aan lahayn koox gabdho ah.
Kooxaha Haweenka ee Manchester City iyo Chelsea iska dhaafee Ingiriiska waxay wacdaro ka dhigaya tartamada kale ee Yurub taa oo ka maseersiisay kooxda ka dhisan Old Trafford oo iminka qaadeysa talaabo ay isaga bareejeynayso.
Man United ayaa codsi u dirtay FA iyadoona rajeynaysa inay ku biiraan heerka labaad ee horyaalka Women’s Super League.
Madaxa fulinta Red Devils Ed Woodward ayaa warbixin uu soo saaray ku xaqiijiyay inay howshan ku howlan yihiin isla markaana kooxda gabdhaha ee la aas aasayo ay heli doonaan adeeg la mid ah kooxda Ragga.
Manchester United ayaana xaqiijisay in kooxda Gabdhaha uu saldhigooda noqon doono Cliff training centre.
Gool FM.