(Madrid) 22 Maarso 2018. Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa beeniyay wararka sheegaya in Cristiano Ronaldo uu ka tagayo garoonka Santiago Bernabeu.
Florentino Perez ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo oo 33-jir ah uusan weydiisan inuu ka tago kooxda ka dhisan horyaalka La Liga, kaddib markii la weydiiyay inuu u dhaqaaqi karo Shiinaha.
Ronaldo ayaa la isla dhexmaray inuu aadayo horyaalka Shiinaha ee China Super League, kaddib markii tababarihii hore ee xulalka Brazil iyo Portugal ee Luiz Felipe Scolari uu shaaca ka qaaday in xiddiga shanta goor ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or uu wax ka weydiiyay dhowr jeer nolosha Shiinaha.
CR7 oo 37 gool dhaliyey 35 kulan oo uu u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkan tartammada oo dhan ayaa waxa uu heshiiskiisa Los Blancos ku eg yahay sanadka 2021-ka.
Perez ayaana beeniyey in Ronaldo uu ka tagayo Real Madrid markii la weydiiyey in 33-sano jirkaan uu u dhaqaaqayo horaalka Shiinaha waxaana uu yiri Madaxweynaha Los Blancos: “Ma dalban inuu baxo, heshiis sanad kale ah ayuu haystaa.”
“Haddii aad leedahay qof saaxiibkaa ah oo ku nool Hong Kong, waxaad waydiin kartaa sida uu ugu nool yahay Hong Kong, waa caadi middaas.”
Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa qaab ciyaareed sare ku jira waxaana uu dhaliyey afar gool kulankii kooxdiisa Real Madrid ay 6-3 ku garaacday Girona.
Gool FM.