(Madrid) 30 Maarso 2018. Xaddiga qadka dhexe ee Real Madrid Federico Valverde ayaa mar dhawaan la waydiiyay kan fiican Messi iyo Ronaldo doortay xiddiga reer Argentina.
Laakiin sida uu warinayo warsidaha Don Balon, Ronaldo ayaa aad uga carooday furkana ku tuuray 19-jirka iminka amaahda ugu jooga Deportivo La Coruna taa oo keentay inuu markii dambe badelo wixii uu horey u yiri.
“Ronaldo iyo Messi waa labada ugu fiican adduunka laakiin waxaan doortay Messi,” Wiilka reer Uruguay ayaa markii hore sidaa yiri.
Balse muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu markii dambe tir tiray ayuu ku yiri:
“Waxaan doonayaa inaan kala caddeeyo is fahan waa maanta ka dhacay xeradea, wareysigii aan caruurta la galay.
“Kaftan ayuu ahaa hadalkii aan ka iri Messi iyo Ronaldo, waayo Messi wuu ogyahay inaan ka mid ahay Madrid isla markaana aan markasta sharad ku dhiganayo una dagaalamayo Roanaldo waayo waa kan ugu fiican adduunka, maalin kasta ayuu muujiyaa, kulanba kulan.
“Waxaan doonayaa inaan caddeeyo haddii aan jaceyl u qabo Messi marna kuma biiri lahayn Real Madrid, waxaan doonayaa inaan caddeeyo inay jiraan labada ugu fiican kubbada cagta adduunka, laakiin waxaan had iyo jeer garab taaganahay Cristiano Ronaldo.”.
Gool FM.