Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Bayern Munich oo diyaar u ah inay heshiis cusub u gacan galiso Labadeeda Rugcadaa

$
0
0

(Germany) 09 Abriil 2018. Madaxa fulinta Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka dhawaajiyay inuu miiska u saaran yahay qorshe ay heshiiska ugu ballaarinayaan labadooda rugcadaa ee Arjen Robben iyo Franck Ribery kaddib markii ay ku guuleysteen Bundesliga markii lixaad oo xiriir ah.

Robben, 34-jir iyo Ribery, 35, ayaa labaduba heshiiska ka dhacaya dhammaadka kal ciyaareedkan waxaana lala xiriirinayay inay tagi doonaan.

Laakiin labada laacib ayaa u soo ifbaxay sida labo furo u ah tababare Jupp Heynckes, waxaana iminka lagu wadaa inay sii joogaan Allianz Arena xitaa ugu yaraan hal sano.

 Bayern Munich are set to hand new contracts to Arjen Robben and Franck Ribery

“Ma jiraan wax badan oo ka hor imaanaya hashiis kordhinta, tan iyo intii ay halkan joogeen, waxaan u dabaal degnay guulo badan,” Rummenigge ayaa sidaa yiri.

“Halkan ayay markasta joogeen, waana ognahay midaa, waxaan sheegnay inaan sameyn doonno waqtiga ku haboon, waana la heshiinay labaduba. Furaha waa sida ay u ciyaarayaan, labaduna waxay u ciyaarayaan si heer sare ah.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025