Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Manchester City vs Liverpool

$
0
0

(Europe) 10 Abriil 2018. Pep Guardiola iyo xertiisa ayaa caawa looga fadhiyaa inay jawaab kulul ka bixiyaan guul daradii 3-0 ay Liverpool kala soo kulmeen Afield lugta hore ee wareega sideed dhammaadka Champions League.

Wararka Labada Dhinac:

Daafacyada John Stones iyo Danilo ayaa ka maqnaa tababarka furan ee Man City ee isniintii.

Stones ma uusan ciyaarin muddo bil ah, inkastuu Pep Guardiola goor hore soo jeediyay in daafaca reer England uu taam yahay.

Danilo waxaa isaga lagu soo bilaabay kulankii sabtida ay guul darada Man City kala kulantay dhigeeda Man United.

Sergio Aguero ayaa isna xaadir ah, kaa oo jilaafo halis ah kala kulmay Ashley Young kulankii Derby Manchester mar uu badel ku yimid.

Jurgen Klopp ayaa ku rajo wayn inuu taam u noqdo Maxamed Saalax kaa oo dhaawac gumaarka ah ku baxay kulankii lugta hore.

Wiilka reer Masar ayaa isniintii tababarka caadiga ah la qaatay saaxiibadiisa kooxda.

Jordan Henderson ayaa ganaax uga maqnaan doona Liverpool, halka daafacyada Andrew Robertson oo qaba dhibaato kubka ah iyo Alberto Moreno oo Bowdada ah ayaa ka soo muuqan kara kulanka.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Man City vs Liverpool (lugta labaad ee wareega 8-da Champions League)

Goobta: Etihad Stadium

Goorta: 9:45 Habeenimo

Garsoorka: Antonio Mateu (Spain)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

◾Manchester City ayaa 5-0 uga adkaatay Liverpool kulankii ay horyaalka kula ciyaartay Etihad Stadium kal ciyaareedkan, waana guusha kaliya ay ka gaartay dhammaan tartamada 9-kii kulan ee la soo dhaafay (6-guul darro iyo 2-bar baro)

◾Liverpool ayaa noqon karta kooxdii ugu horreysay ee Man City garaacda saddex kulan hal xilli ciyaareed tan iyo Mancheter United oo sidaa ku sameysay 2009-10.

◾City ayaa guul darreysatay kaliya hal kulan 13-kii kulan ee ugu dambeeyay Champions League ay mininkeeda ku ciyaarto (9-guul iyo 3-bar baro)

◾Liverpool waa kooxda Champions League kal ciyaareedkan ka dhalisay goolasha ugu badan (31-gool), Man United oo (32-gool dhalisay kal ciyaareedkii 2002-03) ayaa ah kooxda reer England ee goolashii ugu badnaa ebid ka dhalisa hal xilli ciyaareed Champions League.

◾Xiddiga qadka dhexe ee Liverpool James Milner ayaa ah laacibka ugu caawinta badan Champions League kal ciyaareedkan 7-caawin.

◾Pep Guardiola hal jeer oo qura ayuu taariikhda Champions League guul darreysatay labada lug ee wareega bug baxa intii uu macallinka ahaa, Bayern Munich ayuu watay waxaana labada jeer martay Real Madrid Semi final kii 2013-14.

Safafka Macquulka ah ee Manchester City vs Liverpool:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025