(Madrid) 07 Maarso 2016. Gareth Bale ayaa shaki la’aan ah laacibka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka waxa uuna u ciyaaraa kooxda ugu taajirsan ee Real Madrid laakiin waxaa la iswaydiiyay su’aasha ah waxa u xiray Iskaalshada jeexan kulankii dhawaa ay Real Madrid 7-gool ku xaaqday naadiga Celta Vigo.
Jawaabta ayaa lagu sheegay inaysan ahayn mid bakhiilnimo amaba xarago (Fashion) balse ay tahay istaraatijiyad cusub oo dhanka caafimaadka ah taa oo noqon karta faa’iidooyin dhanka cilmu nafsiga ah.
Bale ayaa ku dhawaad labo bilood dhaawac uga maqnaa garoomada waxaana la sheegayaa in sababta uu u jeexay maaliyada ay tahay in xal loo helo dhaawaca ku soo lab laabtay.
Halka ka jeexan iskaalshada Bale ayaa ah malaha halka uu ka dhaawacan yahay iyadoona la doonayo in laga ilaaliyo wax cadaadis ah waxaana la sheegayaa inuu xitaa tababarka ku sameeyo iskaalshooyin gaa gaaban si hareeraha meesha dhaawacan looga ilaalsho wax cadaadis ah.
SAWIRRO:
Gool FM.